All books
Buugga Diiwaanka Dhacdooyinkii Somaliland 1884 - 2022

Buugga Diiwaanka Dhacdooyinkii Somaliland 1884 - 2022

Milicsiga Maalmo Xusuus Mudan

by Mawlid Hashi

Buuggan uu qoray qoraa Mawlid Mohamed Hashi waxa uu ku saabsan yahay taariikh ama Dhacdooyin iskugu jira kuwo wanaagsan iyo kuwo aan la mahadinba, oo ka dhacay Jamhuuriyadda Somaliland intii u dhaxaysay 1884 illaa 2022.

Taariikhdani waa mid ku dhaw 140 sanno, hase yeeshee wuxuu ku soo koobay buuggan, waxaana uu ka kooban yahay 5-qaybood oo kala ah:

  • Muddadii Ingiriisku Ka-talinayey Somaliland ee 1884 - 1960.
  • Maalmihii ay Somaliland Madax-bannaanida Haysatay.
  • Muddadii Midnimada Somaliland iyo Somalia 1960 - 1990.
  • Muddadii Dib-ula-soo-noqoshada Madax-bannaanida Somaliland 1991 - 2022.
  • Dhacdooyin Gaar-gaar ah oo Dhacay Wakhtiyo Kala Duwan.

Buuggu waxa uu u qoran yahay qaab taxane ah, oo u kala horreeya sida taariikhaha uu buuggu ka waramaya u kala horreeyeen. Sidaa darteed, taariikh kasta iyo dhacdo kasta oo buuggan ku qorani waxay kugu dhiirigelinaysaa in aad sii akhrido taariikhaha kale ee ku sii xiga.

Waxa kale oo xusid mudan oo buuggan xiiso u yeelay in badan oo taariikhaha uu ka waramo ka mid ah waxa lagu ladhay suugaantii laga curiyey ama lagaga fal-celiyey taarikhahaas kala duwan iyo dareenkii ay xambaarsanaayeen. dhacdooyinkaasi.

First published in 2026

457 pages

Also by Mawlid Hashi

Be first to hear about the next book

New releases and news, straight to your inbox.

Unsubscribe anytime. Privacy